
Amel patientinformation – somaliska/soomaali
Rugta qaabilaadda ee Amel waxay qaabishaa gabdhaha iyo haweenka lagu sameeyay gudniinka dumarka.
Uma baahnid wax soo gudbin ah si aad noogu timaadid, laakiin dabcan waan aqbaleynaa soo gudbinta ka timaada tusaale ahaan umulisooyinka, taqaatiirta xaaladaha haweenka iyo taqaatiirta degmada ee xarumaha daryeelka caafimaadka hooyooyinka iyo rugaha qaabilaadda dhallinyarada ama hey’adaha kale ee daryeelka caafimaadka.
Waa maxay gudniinka dumarku?
Marka la sameynayo gudniinka dumarka waxaa la gooyaa waxna/ama wax laga beddelaa qeybo ka mid ah xubinta taranka gabadha ee dibadda ah, iyadoo aaney taasi ku saleysneyn sabab caafimaad. Taasi waa caado ka jirta waddamo badan oo adduunka ah. Marka laga reebo dhibaatooyin degdeg ah oo ka dhalan kara gudniinka, wuxuu falkani xitaa keeni karaa dhibaatooyin dambe oo nolosha ah. Dhibaatooyinku way kala duduwan yihiin iyadoo hadba ku xiran sida uu gudniinku u dhacay iyo nuuca gudniinka ee qofta lagu sameeyay.
Sababaha caadiga ah ee ay haweenku noogu yimaadaan:
- In ay helaan macluumaad ku saabsan wixi la sameeyay markii la gudayay
- Dhibaato xagga galmada ah, tusaale ahaan in meeshu ciriiri tahay oo ay xanuunto xilliga galmada
- Dhibaato xagga kaadida ah, tusaale ahaan in faarujinta kaadi-haystu ay waqti dheer qaadato ama ay kaadidu u kala shubmanto dhinac badan
- Dhibaato xagga caadada ah
- Su’aalo ku saabsan uurka iyo dhalmada soo socota, tusaale ahaan waxa uu yahay diyaargarowga loo baahan yahay
- Dhibaatooyin la xiriira shaqada galmada
- Dhibaatooyin nafsi ah oo la xiriira gudniinka
- Dhibaatooyin kale oo la xiriira xaaladaha dumarka oo uusan keenin gudniinka naftirkiisu
Yaa ka shaqeeya rugta qaabilaadda
Waxaa halkan ka shaqeeya takhaatiirta xaaladaha haweenka, umulisooyin, kaaliyayaal kalkaaliso caafimaad iyo lataliyeyaal arrimo bulsho. Haddii loo baahdo waxaan isticmaalnaa turjubaan xagga taleefanka ah oo xirfadle ah. Waxaa saas loo sameynayaa si aan si khalad ah leesugu fahmin. Waxaa dabcan cid walba saaran waajib wax la aamusid.
Maxaa dhacaya marka loo yimaado booqashada ugu horreysa?
Waxaad booqashada kula kulmi doontaa taqtarka xaaladaha haweenka, waxaadna u sheegi doontaa sababta booqashadaada iyo dhibaatooyinka laga yaabo in aad qabto. Wuxuu taqtarku kuu sheegi doonaa waxa ay u muuqato in la sameeyay marki lagu gudayay, wuxuuna kuu sharrixi doonaa qaab-dhismeedka jirka iyo sababta keeni karta dhibaatooyinka qaarkood. Baaritaanka la xiriira xaaladaha haweenka looma dareemo inta badan mid dhib badan ama xanuun leh, maxaa yeelay waxaa badanaa ku filan in la eeg-eego oo la baaro qeybaha dibadda ee xubinta taranka afkeeda ah (vulva).
Baaritaanka ka dib waxaad heli doontaa macluumaad ku saabsan siyaabaha la kala dooran karo ee wax loo maareyn karo markaas iyada ah, haddii aad u baahan tahay wax lagaa qabto. Xaaladaha qaarkood waxaa la dooran karaa qalliin. Haddii ay xaaladuhu sidaas yihiin waxaa qalliinka laguugu sameynayaa booqashada xigta.
Mararka qaar waxaa loo baahan karaa in xiriir lala sii wado umulisada ama lataliyaha arrimaha bulshada, iyadoo hadba ku xiran baahidaada iyo rabitaankaaga
Su’aalo ma qabtaa?
Haddii aad su’aalo qabto, ku soo dhawaw inaad la xiriirto Rugta qaabilaadda ee Amel. Telefoon: 08-123 627 00
Waqti taleefan:
Isniin-Khamiis 08.00-12.00, iyo 13.00-15.00
Jimco 08.00-12.00
Waxaad wax badan ka heli kartaa boggayaga intarneetka
Cinwaanka:
Södersjukhuset. Gynekologiska mottagningen. T-bana: Skanstull.
Bas: 3, 74 ama 168 ilaa Södersjukhuset.
Tareenka magaalada: Södra station, kor u fuulidda Rosenlundsgatan
Adeegyada elekteroonigga ah ee Hagaha daryeelka caafimaadka
Waxaad sidoo kale nagala soo xiriiri kartaa intarneetka adigoo gelaya www.1177.se.
Adeegyada Hagaha daryeelka caafimaadka ee 1177 waxaa lagu bixiyaa taloooyin habeen iyo maalinba.

- Uppdaterad: 29 october 2026
- Hjälpte sidan dig?