illustration röd ros som är ihopsydd med  vit träd gröna blad, rosa bakgrund

Öppningsoperation, patientinformation somaliska/soomaali

Macluumaadka bukaanka alliinka furittaanka ka hor iyo ka dibba

Waa maxay gudniinka dumarka?

Marka la sameynayo gudniinka dumarka waxaa la gooyaa waxna/ama wax laga beddelaa qeybo ka mid ah xubinta taranka gabadha ee dibadda ah, iyadoo aaney taasi ku saleysneyn sabab caafimaad. Waxay taasi keeni kartaa dhibaatooyin dambe oo nolosha ah. Dhibaatooyinku way kala duduwan yihiin iyadoo hadba ku xiran sida uu gudniinku u dhacay. Marka la sameynayo kan loo yaqaan gudniinka fircooniga (toltolid) waxaa la isku tolaa xubinta taranka afkeeda si uu ciriiri u noqdo daloolka ka dambeeya siilka afkiisa.

Dhibaatooyinka caadiga ah ee imaan kara:

  • Waxaa waqti dheer qaadata in la kaadiyo ama waxaa qeybsanta shubmidda kaadida
  • Dhibaato xagga caadada ah
  • Meesha oo ciriiri noqota oo xanuunta qofta marka la sameynayo galmo ama lamaba sameyn karo galmo
  • Waxaa adkaata amaba aan suurtagelin in la sameeyo baaritaannada xaaladaha dumarka, tusaale ahaan unugyo qaadidda
  • In maqaarka isku reystay ee dibaddu uu caqabad noqdo marka ilmo la dhalayo iyo in ay adkaato in baaritaanno la sameeyo marka ay qoftu wax dhaleyso

Qalliinka

Haddii uu aad ciriiri u yahay siilka afkiisu, iyadoo ay taas ugu wacantahay inuu maqaarku isku reystay markii gudniinka la sameeyay, waxaan kugu caawin karnaa in aan sameyno qalliin furitaan ah. Waxaa taas loo yaqaan dib u furid.

Qalliin-sameeyaha (taqtarka) ayaa markaas furaya maqaarka isku reystay, wuxuuna cirifyada ka tolayaa dhinac walba. Wuxuu tolliinku keenayaa in ay meeshu degdeg u bogsooto, in xanuunku yaraado iyo in aysan isku reysan cirifyada maqaarku. Waxay dunto meesha ku jireysaa qiyaastii 2 toddobaad, ka dibna iskeed ayey u baaba’aysaa.

Si aadan xanuun u dereemin marka lagu qalayo waxaa wax yar ka hor la kabaabyeynayaa maqaarka isku reystay. Waana la sameyn karaa qalliinka xitaa haddii aad uur leedahay, maxaa yeelay wax saameyn ah kuma yeelaneyso taasi ilmaha.

Qalliinka ka hor

Qalliinka ka hor si caadi ah ayaad u noolaan kartaa, waxaana fiican inaad wax  soo cuntid inta uusan qalliinku dhicin ka hor. Imaw rugta qaabilaadda, waqti fiican ka hor qalliika. Isla marka uu qalliinku dhammaadaba waad aadi kari doontaa gurigaaga.

1 saac iyo 30 daqiiqo ka hor waqtiga la qorsheeyay qalliinka waa inaad kareemka kabaabyeynta ee lagu siiyay marisaa maqaarka isku reystay, waana in aad qaadataa kiniinyada xanuun baabi’inta:

  •  2 xabbo oo Alvedon (paracetamol) 500 mg ah iyo 1 Ibuprofen 400 mg ah haddii aadan uur lahayn
  •  2 xabbo oo Alvedon (paracetamol) 500 mg ah oo keliya haddii aad uur leedahay

Maalinta qalliinka waxaad imaaneysaa rugta qaabilaadda ee xaaladaha dumarka ee aad booqashadii hore kula kulantay taqtarka (dabaqa 0, wiishka B), waxaadna iska diiwaangelisaa miiska lacag-bixinta.

Qalliinka ka dib

  • Hoosta biyo ku maydh, laakiin ka fogaw inaad ku dhaqdo saabuun
  • Billowga hore waxaa raaxa badnaan karta inaad hoosta biyo ku maydho marka aad kaadinayso
  • Ka fogaw galmo ugu yaraan 4 toddobaad ama ilaa ay meeshu ka bogsooto
  • Ka fogaw jimicsi muddo 3 toddobaad ah
  • Maalmaha ugu horreeya xanuun ayaad dareemi kartaa. Si joogto ah ayaad u qaadan kartaa kiniiniyada xanuun baabi’inta:
    2 xabbo oo Alvedon 500 mg ah 3, jeer maalintiiba. Haddii aadan uur lahayn ama aadan xasaasiyad ku qabin, waxaad Alvedon ka sokow sidoo kale qaadan kartaa 1 xabbo Ibuprofen 400 mg ah, 3 jeer maalintiiba.
    Waxaa lagu siinayaa kareem kabaabyeyn ah oo aad guriga u qaadaneyso, kaasoo yareyn kara xafafka. Waxaad taas isticmaali kartaa dhowr jeer maalintiiba.
  •  Xanuunka xagga hoostu wuu soo yaraanayaa maalinba maalinta ka dambeysa

Ugu dambeyn

Haddii aad yeelato feebaro ka badan 38 derejo ama uu xanuunku sii kordho, waa inaad Gynmottagningen kala xiriirtaa taleefanka 08-123 627 00, waqtiga maalintii ah. Fiidadka, sabtiga iyo axadda, waqtiyada fasaxa iyo habeenkiiba waxaad la xiriiri kartaa Gynakuten.

Sidoo kale waad la xiriiri kartaa Gynmottagningen haddii aad su’aalo qabto qalliinka ka hor.

  • Uppdaterad: 29 october 2026
  • Hjälpte sidan dig?
Vi använder kakor för att webbplatsen ska fungera bra och för att samla in statistik som hjälper oss att förbättra den. Vill du tillåta det?
Om kakor